Beryahaan Bidaar abuurna waa batee amaa la is aqoonsan waayaa!!!=Nasashada Jimcaha.Q-175aad=

1- Imaam ayaa Masjidka hortiisa ku arkay Dameer ku bakhtiyay, waxa uu u tagay Axmed Diaspora oo ahaa Gudoomiyihii Degmada oo labisan sidii Xildhibaan mooshin u socdo. waxa uuna ku yiri: Mudane Gudoomiye, Bakhtigaan halaga qaado Masjidka hortiisa. Axmed Diaspora oo xanaaqsan ayaa ku yiri: war Culumadiinu adinkaa Meydka dhaqi jirteen ee maad dhaqdiin.

Imaamnkii oo dhoola cadeynayo ayaa yiri: waa run waan dhaqnaa Meydka, laakin marka hore waxaan ogeysiinaa qaraabadiisa. ( F.S: 1aad)

( Culumo kaa Samir badan ee Axmadoow ha xanaaqin)

2- Naag fool xun oo “Make up” qurux mooday. Ayaa Nikeedii ku tiri: Xabiibi iska jooji isticmaalka Daroogadan aad mar kasta isticmaashid. Waxaa uu ku yiri: waan kaa aqbalay ee adna iska daa make up-kan, aad malinkasta isticmaashid ee jirkaagii oo dhan bedelay. Waxa ey ku tiri: Laakin Anigu waxaan u marsdaa si quruxeedeyda aan kuugu muujiyo.

Isagiina waxa uu ku yiri: Daroogada waxaan u isticmaalaa si aan Nafteeyda ugu khasbo, sidii aan uga dhaadhacin lahaa in aad adigu qurxoon tahay.( F.S: 2aad)

( Wasiir ayaa Nin Agaasime ahaa ku yiri: Mar kasta oo aan shaqaalaha la hadlayo Adiga oo farxsan ayaad igu tiraa, Sax weeyaan, sax weeyaan. Agaasimihii ayaa ku yiri: waxaan rabaa in aan iska dhaadhacsiiyo in aad tahay wasiir Run ah)

3-Abaaduuliye ku xigeenkii Ciidamada cusub ee taakuleynta wadaniyiinta oo wafdi u raacay Dalka ugandha ayaa Makhaayad tagay. Waxa uu rabay in uu dalbado “Chicken” laakin kalmadii ingriiska lagu dhihi lahaa ayaa ka dhuntay.

Waxa uu arkay haweeneey miis u dhaw ku cunee Ukun, Ninkii shaqaalaha ahaa ayuu gacanta ka soo qabtay fartana ugu fiiqay kuna yiri: pooliis heer Maather “please her mother” tan hooyadeed ii keen. ( F.S: 3aad)

( Haduu qolka jiifka ee Hotelka uu tago muxuu ku dhihi doonaa gabadha nadiifisada ah.. wufuudeena waraa sugaayo)

4-Haweeney ayaa habeen barkii Hurdadii ka soo toostay, Boorsadeedii ayeey kala soo baxday Make up . ninkeedii ayaa ku yiri: Xilgaan xageed u socotaa?

Waxa ey ku tiri: Mobilkii ayaa ii furmi la’ waxaan ku xiray systemka “ Face Recognition” oo ah in wajigeeygu uu yahay password –ka uu ku furmo, wuuna i aqoonsan la’yahay oo markii aan ku xirayay Make up ayaan isticmaalay. Ninkii ayaa ku yiri: war naga seexo Annigii ayaaba ku garan waayay ee siduu kuu gartaa Mobilku. ( F.S: 4aad)

( Beryahaan Bidaar abuurna waa batee amaa la is aqoonsan waayaa)

5- Nin Gaal ah ayaa tagay Qubuuraha Gaalada si uu Ubax u soo dhigo Qabrigii Saaxiibtii. Haweeney iyaduna halkaa Ubax dhigeeysay ayaa Goonadii yareed oo ey xirneeyd dabeeylu kor u qaaday. Waxa uu arkay Kastuumadeedii oo uu ku sawiran yahay Ubax qurxoon. Waxa uu weydiiyay waan gartay ubaxaan aad dul saartay qofka halkaan ku aasan. Ee waa maxaay Ubaxa ku sawiran Kastuumadaada. Waxa ey ku tiri: isagana waxaan ku xasuusanaa inta marxuum ee Godkaan keeygaa lagu aasay. ( F.S: 5aad)

Waxa uu yiri: Hadaan fahmay sababta kastuumooyinka Ubaxa lagu sawiro ey qaali u yihiin.

( Xarunta xalane…………..)

6-Nin Xildhibaan ah ayaa u sheekeeynayay Haweenka beeshiisa ee isaga taageersan. Waxa uuna ku yiri: Aniga oo Makhaayad ka qadeeynayo ayaa la ii keenay Todobo Xabo oo Muufo ah, saddex ayaan iska celiyaya Afarna waan cunay.

Haweenkii ayaa sacab iyo Alalaas isku daray , Gobanimo, Libaax Labo maahan. ( F.S: 6aad)

(War siyaasiyiintu yeeyna sirin Haweenka taageera ee ha u sheegeen Siyaasad ay taageeraan)

Qore: Yahya Amir