Shaqsiyaad Al-Shabaab lala xiriiriyay oo Kismaayo lagu qabtay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga sameeyey xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan ayaa yimid kadib markii ciidamada ammaanka ay helaan xog ah in xubno al-shabaab ah ay galeen magaalada Kismaayo.


Afhayeenka wasaarada amniga ee Maamulka Jubbaland ayaa u sheegay Saxaafadda in ujeedka Howlgalladan uu yahay in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Kismaayo.

Waxay tilmaameen in tiro ka badan 10 Qof, oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al shabaab lagu soo qabtey Howlgalka saaka, kadibna la dhigay Saldhiga Booliska, halkaasi oo Su’aallo lagu weydiinayo.

Madaxda Mamaulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Al shabaab ka geestaan magaalada