Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta Agoonta ee Warta nabadda+Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa Maanta xariga ka jaray dib u howlgelinta xarunta daryeelka Carruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee Degmada Warta Nabadda.

Xarig jarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo Caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay u helaan fursad lamid ah kuwa ay Waalidiintooda nool yihiin.

Dhanka kale , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mudane; Cumar Filish, ayaa digniin u diray Dadka sida qaldan u isticmaala Dhulalka danta guud ee Bulshada loogu adeegi lahaa.