Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay dilkii Almaas Elman

Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Bulshada Soomaaliyeed iyo Eheladii ay ka geeriyootay Almaas Elman Cali Axmed, oo Shalay lagudilay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumad Almaas Elman ayaa ahayd Gabar da’yar oo u ololeysa nabadda iyo xuquuqda Aadanaha, isla markaana aheyd Diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay dilka Almaas Elman, iyadoo kasoo saartay war Saxaafaeed arrimaasi ku aaddan.

Hoos ka aqriso war saxaafadeedka Dowladda:-

War-saxaafadeed Tacsi Almaas Elman 20-11-2019 (2)