Adaa Arki doontid.!!!! (Faallo)

Ma ahan qiyaas aan Anigu sameeyay, ma ahan been, ma ahan Dan Siyaasadeed oo aan cidna Ku dulminayo.

Qormadii hore ee ” Ma leey nabaa Mise waa igu maqan tahay Lacagtani.” Waxaan Ka doodeynay $2Billion iyo xoogaa nagu baxday 3 Sanno, halka ey Ku baxday.

Hadda waxaa naloo diyaariyay in nala siiyo in kabadan $2Billion Sannadkiiba.

Meel iiga qor. !!!!. Lacagtaa inta Ku baxdo Dowlada Somalida + inta ey isticmaalaan Ajaanibta Somalia Ka shaqeeyso + inta la xadayo, Baaqiga Soo haro= 0/100 to 5/100 oo shacabka Soo gaarto.

Angola,waxaa lagu yiri: deyn aad u yar ayaa lagaa cafinayaa, Shidaal badanna waa heshay.

Hadda $40 Billion oo deyn Cusub ah ayaa lagu leeyahay, Dadkiina baahi ayeey u dhimanayaan.

Annaga Madaxda Mustaqbalka Mucaarad & Muxaafad waxa ey Ku dagaalayaan, sidii ey qeyb uga Heli lahaayeen Lacagtaa. Taageerayaashu waxa ey leeyihiin Annagu maba heleeyno ee walba Qof qabiilkeenaa ha hesho, Annaga iyo caruurteenuna aan baahi isaga dhimano.

Ka feker siddii Lacagtaa loo maareyn lahaa, Adiguna aad uga badbaadi laheyd, Baahi iyo Deyn laguugu yeesho.

Ma ahan qiyaas aan Anigu sameeyay, ma ahan been, ma ahan Dan Siyaasadeed oo aan cidna Ku dulminayo.Somaliyeey xiskaaga kulmi si xal loo gaaro.

Adaa Arki doontid xaqiiqda qormadaan mar dhaw , haddii ALLA nolol nagu gaarsiiyo.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir