Ninkii Reerkiisa u Roon ayaa Qarankana u Roon!!!

Mid uu Waxbarasho siiyay, mid uu Noloshiisa dhisay iyo mid uu hagaajiyay Mustaqbalkiisa ayay isugu jiraan dadka uu Xildhibaanka u yahay, saacad walba adeeg uu ku horumarinayo shacbigiisa ayuu ku mashquulsan yahay.

Xaqiiqdii waa hal Nin, hase yeeshee ka waxtar badan Toban {10} Xildhibaan, jaceyl, sharaf iyo tixgalin ayay u hayaan dadka uu matalo, kalsooni aad u ballaaran ayay ku qabaan, Abid inta uu nool yahay inuu Xildhibaankoodu ahaado ayay xiisaynayaan!

Wey adag tahay in la soo helo masuul la mid ah Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale oo kale, waa hogaamiye ku sifoobay waxqabad la taaban karo, daacadnimo ayuu caan ku yahay, waa halyey si Caddaalad ah ugu adeego Labaatanka beelood ee uu ku matalo Kursiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Taariikhda ayaa xusi doonto, waa Xildhibaan Mucjiso ah, nasiib waxaa leh dadka uu Xildhibaanka u yahay, waa Laan dheere bannaanka ku dhacay, waa nin door ku Faano heybta beeshiisa oo ay Soomaalida qaarkeed hoos u eegto, dhabtii waa Geesi dadkiisa ku dhiiri-galiya inay ku kalsoonaadaan Qabiilka uu Alle ka dhigay!

Seddex sanno ka hor oo ku beegneyd maanta oo kale ayaa Xildhibaan Yuusuf Xayle loo doortay Kursiga uu ku fadhiyo, xaflad loogu dabaal-dagayay sannad guuradii 3-aad ee ka soo wareegtay doorashdiisa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan, waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo isugu jirey ammaan, Duco, balanqaad iyo Taageero loo muujinayay Xldhibaankaas.

Yuusuf Xayle oo munaasabaddaas ka hadlayay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa dadka uu Hogaamiyo, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu sii laba Jibaari doono wax u qabashada shacbigiisa, isaga oo taageerayaashiisa kula dardaarmay inay ku dadaalaan xagga Shaqada iyo dhinaca Waxbarashada, isla markaana ay ku faannaan Beesha ay ka soo jeedaan ee Tumaal!

Hadiyado ka kooban Ubax, dhar, Kitaab iyo alaabo kale oo qaali ah ayay si farxad leh u guddoonsiyeen taageerayaashiisa, Duco ayay u hibeeyeen, garab istaag ayay u balanqaadeen, Alle waxay uga baryeen inuu mar kale ku guuleysto Kursiga Xildhibaannimada beeshood.

WD:C/Laahi Shiikhaalow