Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo isku soo dhiibay Maamulka K/Galbeed.

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow uu isku dhiibay maamulka Koofur galbeed soomaaliya, kadib markii maalmihii dambe uu diidanayaa inuu dhiibo xilka laga qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta ka dambeysay uu isku dhiibay Guddoomiyihii hore ay ka tahay kadib markii wadahadal laga dhameeyay khilaafkii ka taagnaa degmadaasi.

Degmada Diinsoor ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal mudo saacadaha ka socday degmadaasi, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo uu wato gudoomiyihii hore ee degmada Diinsoor iyo ciidamo ka tirsan daraawiishta Koofur galbeed soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in xaalada degmada hada ay tahay mid degan, islamarkaana khilaafkii jiray la dhameeyay.