Faaf-faahin ka soo baxaysa Nabadoon lagu weeraray hooygiisa Magaalada Boosaaso.

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta weerar lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay magaaladaasi Boosaaso Nabadoon C/Casiis Cabdi Baydhabood oo ka mid ah waxgaradka gobolka Bari.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku haya xiisado muran ka dhashay dekadda magaalada Boosaaso iyo hadal kasoo yeeray Nabadoon Cabdicasiis Cabdi Baydhabood kadib markii uu ka hadlay qaabka ay u maamusho shirkadda DP World dekadda Boosaaso iyo heshiiskii u dhaxeeyey shirkadda iyo maamulka Puntland.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in ay weerareen Nabadoon Baydhabood oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobolka Bari.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Bari ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarka lagu qaaday nabadoonka, islamarkaana waxaa ay sheegeen in qorshahan uu yahay mid lagu caburinayo shacabka iyo waxgaradka gobolka Bari.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo gadooday uu dagaal ku dhex maray magaalada Boosaaso, taasi oo la sheegay in xal laga gaaray.