Degmada Afgooye oo xalay lagu dilay isku duwihii wasaarada maaliyada K/Galbeed u qaabilsanaa Degmadaasi.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo xalay isku duwihii wasaarada maaliyada u qaabilsanaa degmada Afgooye ku dilay degmadaasi.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay bar kontorool oo laga galo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askari iyo marxuumka la dilay ay murmeen, kadibna sidaasi lagu dilay isku duwihii wasaarada maaliyada ee degmada Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ku soo kordhay dilalka qorsheysan ee looga geysto askarta ka tirsan dowladda, odayaasha dhaqanka iyo dadka sida weyn looga garanayo degmadaasi.