Ciidamada maamulka Soomaaliland oo gebi ahaan la wareegay xarumaha xisbiga wadani

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ay saakay gebi ahaanbaa la wareegeen Xarumo xisbiga wadani uu ku leeyahay Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Wararkii ugu dambeeyay aan ka helayno magaalooyinkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Booliska Soomaaliland uu bixiyey amarka ay ciidamada Booliska Soomaaliland kula wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANi ee magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Arrintaan ayaa waxaa ay salka ku heysaa khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxda talada heysa ee Soomaaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI taas oo todobaadkaan ka jirta magaalooyin ka tirsan Soomaaliland.