Rag ku Hubaysan Bistoolado oo dilay Taliyihii Nabad-Sugidda gobolka Mudug.

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Mudug.

Koox bistooladu ku hubeysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku weerartay G/Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dilka taliyaha ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kooxdii hubaysneed ee dilka u geysatay Taliyaha ayaa goobta is kaga baxsatay waxaana mas’uuliyadda dilkaas durba sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn gurigiisa, goobjogayaal ayaa sheegay in xilliga la dilayay uu isku diyaarinayay in masaajid u dhawaa uu u aado salaadda Maqrib oo xilligaas la gelayay.