Wasiirka Ganacsiga oo kalanka wada-tashiga hindise sharciyeedka shirkadaha kaga qaybgalaya magaalada Garowe.

Garowe:-Prof.Cabdullaahi Cali Xasan wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dawladda Soomaaliya ayaa maanta wuxuu gaaray magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland.

Wasiirka iyo xubnaha safarkiisa ku wehliya ayaa u jeedka safarkooda, waxa uu ku aadan yahay sidii ay uga qayb geli lahayeen kalanka wada-tashiga hindise sharciyeedka shirkadaha, kaas oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana la sheegay in maalinta berri ah uu ka furmi doono.

Dhanka kale kulankan wada-tashiga ah ayaa waxa ka qeyb qaadanaya guddiga Aqalka Sare u qaabilsan maaliyadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha, wasiirrada dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, guddiyada ganacsiga iyo warshadaha ee baarlamaanka dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka.