Midnimada ilmo Shiikh ma Jiri Doontaa Maalinta Doorashada 2020?

179 cod ayay heleen iyaga & Musharaxiin ka tirsan beeshooda, in ka badan kala bar coddadkii la dhiibtey ayay urursadeen, guul weyn ayay ka soo hooyeen wareegii hore ee Doorashadii 8-Febraayo 2017-kii, nasiib-darro cadaawad Kursi iyo loolan Siyaasaddeed oo u dhaxeeyay awgeed ayaa labadooda looga adkaadey!

Dagaal ba’an oo siyaasaddeed ayaa labada nin xilligaasi ka dhexeeyay, midba midka kale ma jecleyn, Madaxweyne kasta inuu kaligiis adkaado ayuu doonayay, xurguf culus ayaa ka dhex Shidneyd, Shariifka ma xiisayneyn in Xasan Shiikh mar labaad la doorto, Xasan-na ma dooneyn inuu Kursiga kala wareego Shiikh Shariif.

Laga soo bilaabo waqtigaasi illaa iyo dhawrkii sanno ee xigay ma qarsaneyn sida ay u kala fog yihiin labada odey, xilli aan sidaasi u sii fogeyn ayaa lagu baraarugay is xulafaysi cusub oo ay yeelanayaan Madaxweynayaashaasi Xilka isaga dambeeyay.

Is jaceyl, is xaq dhawr iyo is Xulafaysi ayaa haatan ka dhaxeeyo labada masuul, hal aragti ayay leeyihiin, Shariif waa Xasan, Xasan-na waa Shariif ayaa dhex taalo, 95% si gaar ah ayay isugu dhaw yihiin, Mataano siyaaddeed ayay u muuqdaan!

Jubbaland isku aragti ayay ka noqdeen, xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho hal mowqif ayay ka leeyihiin, arinta Doorashooyinka isku feker ayay ka yihiin, Federaaleynta dalka waa isaga mid, xaqiiqdii labada odey xilligaan la joogo dhinac walba waa ka midaysan yihiin.

Inkastoo haatan ay muuqato Wadajirka ay leeyihiin Madaxweynayashaasi ayaa haddana waxaa is weydiin mudan muddo intee la eg ayay Midnimaddooda sii shaqeyn kartaa?

Aragytiyo kale duwan ayaa arintaasi laga bixiyay, Siyaasiyiinta qaarkood ayaa rumaysan inaan la sii sadaalin karin halka ay saaxiibtimadooda ku dhamaan doonto, fekerkaas mid ka duwan waxaa aaminsan qaar kale oo ka mid ah Hogaamiyaasha Asxaabta dalka, kuwaasi oo kuu sheegaya Midnimada Shariif iyo Xasan inay tahay Dhoolatus Siyaasaddeed oo aan sii jiri karin!

Sannad kadib marka la gaaro Doorashada 2020 ayaa la kala ogaan doonaa halka ay ku raad go’do Midnimada labada hogaamiye, waa suurgal iyaga oo wada socda inay doorshda galaan, waana dhici kartaa in kali-kali ay doorashada u galaan maadaama uu mid walba jecel yahay inuu soo laabto!
La arki doonee Midnimada Shariifka iyo Xasan meesha ay ku biyo shubato!

#Aragaane!

Shiiqaalow Xassan