Madaxweyne Axmed Madoobe oo digniin u jeediyay madax ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha maamulkiisa ayaa iskugu daray digniin iyo dardaaran.

Madaxweynaha ayaa si adag uga digey inay agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda dalka, maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay oo kaliya inay adeegyada maamulka gaarsiiyaan shacabka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada uu bixiyo maamulkiisa ay sidii loogu tala galay shacabka ugaari doonaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulanka ka sheegay in wax badan laga qaban doono caqabadaha haysta shacabka ku nool deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan waxaa u dhexeeya khilaaf xoog leh, kaas oo sababay in xlligaan uu kala shaki badan soo kala dhex galay xubnaha maamulka Jubbaland.