Gudoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray wadada isku xirta isgoysyada Baar-Ayaan oo la dayactiray.

Muqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish ayaa maanta wuxuu xariga ka jaray wadada isku xirta isgoysyada Baar-Ayaan iyo Siinaay ee ka kala tirsan degmooyin ku yaalla Yaaqshiid iyo Wart-Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish oo goobta xari jarka kula hadlay warbaahinta iyo bulshadii ku sugnayd goobta xarig jarka, ayaa waxa uu u diray baaq ah in bulshada doorkeeda looga baahan yahay inay ka qaataan dhismaha Caasimada Muqdisho.

Dhanka kale wadadan maanta uu xarig ka jaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa waxay ka mid tahay waddoyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho.