Dalxiiskii Baxaariga iyo duleedka Nakivali.=Faaallo=

Dalxiis aad u qurux badan ayuu ahaa booqashadii aan galabta ku tagney aniga iyo saaxibkey Cabdirisaaq Ciise Aadan dhul cagaaran oo indhuhu ku doogsadeen kaas oo ku yaala duleedka Nakivali ee dalka Uganda.

Meelo bishan oo dhan roobku hayey oo daadku nadiifiyey caro in si qurux badan loo gogley aad moodo ay wadhantahay, oo isugu jirtey dhul daaqsin, beero iyo waliba haro laga kaluumeysto.

Beerihu waxa ay ahaayeen kuwo si fiican u baxay oo aragtida indhuhu ayna marnaba ogoleyn in ay ka jeestaan, waa dhul qaboow oo udgoon, jawi naftu raali ka noqoneyso oo raaxo iyo udgoonku aadan ogoleyn in aad ka tagto.

Harada Nakivali xiligaas waxay aheyd mid ay ka muuqdeen doomo kaluumeysanaya, qoraxda oo baalka sii dhigeysayna waxa ay falaaraheedu abuurtey jawi soo jiidasho leh.

Dhul daaqsimeedka waxaa markaa ku mayracanayey Lo, iyo Ari doogii iyo biyihii isu dul saaranyihiin oo ku xasiley raamsiga iyo daaqa dhirta iyo dooga kala duwan.
Beeruhu waxa ay ahaayeen kuwo si fiican u baxay meelaha aan mareynayna waxaa ku dhignaa Moos, Moxog, Galey, Digir iyo dalagyo kale oo dhamaantood si wanaagsan u baxay kuwaas oo qofka dhex gala ay qarinayaan.

Waxaan ku hakaney garoon kubada cagta oo laba kooxood oo Koongo ah ku dhexmareysay kuwaas oo ay dhaxmartey ciyaar aad u xiiso badneyd oo aan daawaney intii ay socotey waxaana sawir la galney kooxdii guuleysatey.

Saaxiibkey Cabdirisaaq Ciise Aadan ayaa dalxiiskaas gaaban ku tilmaamey in uu ahaa mid loo baahnaa oo wakhti fiican loo helay.

WD:Maxamed Faarax Duurgal.