Bello Kiin Maxamed ”Waxaan walaac weyn ka muujinaayaa in caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ay meel Xun ku sii socdaan…”

Dhawaanahaan waxaa Aad u badatay walaac ay waalidiinta soomaaliyeed ee degen wadamadda qurbaha in caruurtooda ay ku jiraan falal dembiyeedyo, dil iyo isticmaalka daroogadda.

Taasi oo ay keenly in ay xabsiyada wadamadaasi ay buuxiyaan caruur soomaaliyeed qaarna ay ku dhintaan fal denbiyeedkaas.

Arintaas ayaan waxaan ka wareysanay hooyo soomaaliyeed oo qabiir ku ah arimahaas waana Bello Kiin Maxamed oo degen wadanka Sweden magaaladda Örebro.

Wareysigaan waxaa inoo soo qaaday Ikraam Cali Kaar oo ka tirsan bahda Somaliweyn Radio ee Swediden.