Muqdisho:-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilal u magacaabay seddax sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska.
Saraakiisha la magacaabay ayaa kala ah:-
1) G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akadeemiyada Gen. kaahiye.
2) G/le Cabdifitaax Bashiir Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Airpor-ka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.
3) G/Le Asad Cabdalla Saciid ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Laanta Miina Baarista ciidanka Booliska Soomaliyeed.