Juxa & Dameerkiisii-Badda Somalia!!!

Nin ayaa Juxa Ka doontay Dameerkiisii si oow Howl ugu Soo qabsado. Juxa ayaa markii uu arkay Ninkii oo Soo socdo ayuu Dameerkii Qol Ku Soo xirtay, Ninkii ayuuna banaanka uga hortagay. Waxa uuna Ku yiri: Dameerkeeyga waa Ku ergin lahaa, Laakin Shalay ayuu dhintay.

Ninkii markii uu damcay in uu iska tago ayaa Dameerkii Qolkii Ka dhax Ciyay. Ninkii ayaa Ku yiri: War Juxoow maxaad Beenta iigu sheegtay, Dameerkaagii wuuba noolyahaye.
Juxa ayaa yiri: war Adigu Dameerka Ciydiisa miyaad aaminee Anigana warkeeygana aamineeysid miyaa?

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Monica Juma waxa ey tiri: waxaan Ka wada hadnay Arrimaha Badda in lagu dhameeyo hab ey Ku qancaan Labada dhinac.

Wasiirkeenu waxuu Ku yiri VOA-da: Maya, Maya,ma jirto, Haweeneyda miyaad Aamineysiin, Anigana i aamin meeysiin miyaa?

Wasiirku Goobta shirku Ka dhacay ma joogin, laakin Duqdu waa joogtay.

Maxkamadu Dadka is dacweeynaa ma tiraa Go’aan aad Ku wada qanacdiin ayaa gaarayaa, ee kaligeed ayeey go’ aan qaadataa.

Sidee wax u jiraan?

FG: waa run Annigu hadda tabar Malihi, Laakin shakhsi ahaan ma jirto Qof iiga wakiil ah, go’aan kasta oo keenaya in Badda la ila sheegato. Xaalad kasta oo jirto.

Qore: Yahya Amir