Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo dalka dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib howla shaqo oo uu u joogay dalka South Africa halkaas oo uu uga qeyb galay shirka duqa magaalooyinka Caalamka ee Global Parliament of Mayors (GPM).

Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish waxaa Airport Aadan Cade si weyn ugu soo dhaweeyay madax kala duwan iyo ururada bulshada rayidka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday inuu guul ku soo dhamaaday shir uu uga qeyb galay Koonfur Afrika