Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ayaa mudo sannad ah ku kordhiyey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarnaa tan iyo 1992

Aniga waxey ila tahay Inta Soomaaliya ay ka jirto waxa reer Galbeedka ugu yeeraan “Political Immaturity” biseyl la’aan siyaasadeed ama qaargaar la’aan siyaasadeed cunaqabateynta hubka wey sii saarnaan doontaa Soomaaliya.

Cunaqabateynta hubka wuxuu caalamka naga qaadi karaa ama naga qaadi doonaa marka la helo Soomaali is aaminsan, hal dhinac wax u wada oo kala duwanaashahooda aragti ama siyaasadeed aan ku xalin xoog iyo dagaal balse isqancin iyo isfaham ku xalisa. Taasina hadda ma muuqato. Hogaamiyayaal aan maskaxda ka qaangaarin looma fasaxi karo hub culus sida Taangiyo ama Diyaarado waxaa halis ah in bulshadoodu ku leeyaan sidii 80-meeyadii dhacdey.

Inta Qofka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa ama Garoowe ama deegaan kale ka cabsanayo in lagu soo weeraro hubka Muqdisho yaal ee magaca qaranka Soomaaliyeed lagu keeney wey adag tahay in Qaramada Midoobe naga qaado cunaqabateynta hubka. Dib u heshiisiin dhab ah, kalsooni bulsho, is-aaminaad iyo deganaasho siyaasadeed ayaa ka horeysa in la abuuro marka hore, taasna waxaa keeni kara keliya siyaasiyiin garaadka ka bisil oo fahamsan waaqaca siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ka jira.

Ilyas Mohamud Hussein