Ciidamada Dowladda Federaalka  oo Gacanta ku dhigay Rag weeraray xarunta Degmada Deyniile.

Muqdisho:-Ciidamada amaanka dowladda faderaalka ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan oo weraray xaruunta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay waxaana la sheegay inay geysteen laba ruux oo ku hubeysanaa hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo damacoodu ahaa inay gudaha u galaan xaruunta degmada.

Dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyey ilaalada xaruunta degmada iyo raga goobta weraray ayaa ciidamada amniga ee ku sugnaa xarunta waxaa u suurta gashay inay dhawacaan xubnihii weeraray xarunta degmada, iyaga oo nolosha ku qabtay,

Weerarkaan lagu qaaday xaruunta degmada Deyniile waxaa ku geeriyooday haweeney ahayd qof shacab ah oo halkaasi ku sugneyd xiliga uu werarka dhacayey, iyadoo sida la shegay aaney jirin cid kale oo wax ku noqotay marka laga tago raga xaruunta degmada weeraray oo la dhaawacay.

Maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada amaanka intaba ma jirto cid faahfahin ka bixisay weerarkaan lagu qaaday xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale warar ayaa shegaya in xubno ka socda maamulka gobalka Banaadir ay ku wajahan yihiin halkaas, iyagoo kula hadli doona warbaahinta, sidoo kalena u soo bandhigi doona raga la qabtay ee weerarka ka geystay xaruunta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.