Baarlamaanka Puntland oo saakay ansixiyay Guddiga doorashooyinka maamulkaas

Garowe:-Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa saakay la hor geeyay baarlamaanka oo iskugu yimid kulan koodii ugu horeeyay tan iyo markii ay doorteen guddoomiyaha cusub ee badalay Dhoobo-daareed.

Golaha ayaa cod u qaaday ansixinta xubnaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland, waas oo lagu ansixiyey kulankii maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaas Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Golaha wakiilada Puntland ayaa ansixin kadib xubnaha guddiga doorashooyinka ka dalbaday inay dardargaliyaan howlaha loo igmaday ee horyaal.