Wafdi Qaran ayaa Cusbo ku maqan, yaa u diray?= Nasashada Jimcaha. Q-174aad=

1-Quraansho ayaa Xaday hal xabo oo Sokor ah, Maroodina waxa uu xaday Loor Sokor ah ( 50 kg). Ciidankii ayaa soo Qabtay Quraanshadii oo godkeeda ka soo helay Xabaddii Sokorta, Maxkamadii ayaana la geeyay, waxaana lagu xakumay Xabsi Daa’im. Maroodiga oo Sokortu dushiisa u saarneed Ciidamadu ma arki Karin.

Maroodigii ayaa bishii Ramadaan Dadkii u qeybiyay 20kg oo Sokor ah, waxaana loogu duceeyay in Hantida Alla u badiyo, meeshuu ka soo qaadayna Alla u barakeeyo. ( F.S: 1aad)

( Mucaawinadii Fatahaada, Quraanshadii Xaday waaba la qabtaye, Maroodiga ma u duceeyseen)

2–Naag Shiina ah ayaa Isbitaal ku dhashay Cunug Madoow, Dhakhtarkii ayaa yiri: Cunugaan Magacee loo bixinayaa oo Diiwaanka loogu qorayaa, waxa ey tiri: Sam Ting Wrong. Dhakhtarkiina waa qoray isaga oo u heeysta Magac shina ah. Laakin iyadu waxa ey ka waday ( something wrong). Waxbaa khadamay. ( F.S: 2aad)

( Heshiiska 4 Dekedood, amuu ahaa Sam Ting Wrong, )

3- Nin ayaa yiri: Anniga iyo Xaaskeeyga oo Qolka ku wada qadeeyneyno, ayaan maqlay telephone keeyga oo Jikada yiil oo Fariini iigu soo dhacday. Waxaan is iri: yeeyna ogaan cidda kuu soo dirtay, Jikaddi ayaan tagay. Waxaaba ku qoran Fariin ey isla Xaaskeeygu ii soo dirtay oo ah “Markaad Jikada ka soo laabaneysid, Cusbada hore u soo qaad) ( F.S: 3aad)

( Wafdi Qaran ayaa Cusbo ku maqan, yaa u diray?)

4- wasiirkii Caafimaadka Finland oo hore u ahaa Dhakhtar dhinaca dhimirka ayaa Dalkeena yimid, si uu ula saxiixdo Wasaaradda Caafimaadka Mashaariic lagu horuumarinayo Isbitaalada. Waxa uu la kulmay wasiirkii Caafimaadka Somaliya ee hore, wuuna Aqoonsaday oo waxa uu ahaa Somali Finlandees Hore ugu jiray Isbitaalka Dhimirka ee Finland, welina Daaweyntu ey u socotay. ( F.S: 4aad)

( Somali /Finland, Naafada Maskaxda miyaa idinku badan?)

5- Dhalin yaradii dhalatay Burburkii kadib oo waalidkood hilmaamay waqtigii ey dhasheen iyo halkii ey ku dhasheen ayaa Qurbaha ku dhiganayo Xaflad ah “ Happy Birthday”.

6- Nin ayaa Xaaskiisii, Xaliimo Raaliyo ku yiri: Walaalkeey oo Gobal ku dhintay ayaan tacsidiisa aadayaa ,7 cisho ayaana ku maqnaanaya, waana safray Ninkii. Gurigeeda ayeey iska joogtay si ey Murugada ula wadaagta, Dibadana uma bixin.

Todobo Cisho kadib ayuu Ninkii soo noqday, waxa uuna ku yiri: War Haddan runta kuu sheego Walaalkeey ma dhiman, ee Saaxibadey ayaan raacnay Anniga iyo Jacfar Yare waxaana aadnay Dalxiis iyo Tumasho.

Xaliimo Raaliyo ayaa ku tiri: Markii aad iga tagtay Anniga oo ku jiro Murugada Tacsidii Walaalkaa ayaa waxaa ii soo galay Afar Nin oo Tuugo ah, waxa eyna igu dhaheen ama noo Hees oo Musiga ku ciyaar ama waan ku kufsaneynaa, waana khasab in aad mid doorato.

Ninkeeddii ayaa ku yiri: Caqligaaga ayaan aqaan koleeyba waad u heestay. waxa ey tiri: Maya, ma iyada oo Tacsidii walaalkaa noo taal ayaan Hees iyo muusik ku ciyaari karaa. ( F.S: 5aad)

Qore: Yahya Amir