Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga dhexe Baladweyne iyo Ciidamada Booliiska oo ka hadlay arrintaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirnayd xabsiga magaaladda Baledweyne ay halkaasi ka baxsadeen.

Ku dhawaad afar maxbuus oo ku xukunaa dil ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabisga magaalada Beledweyne eee gobolka Hiiraan.

Taliyaha xabsiga magaalada Beledweyne Maxamed Xasan Guure ayaa beeniayay wararka sheegaya in maxaabiista ay ka baxasdeen xabsiga magaladaasi.

Maxaabiis badan ayaa xiligan waxay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Beledweyne, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haysto.