Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya “Ummadda Soomaaliya Waxaan Bishaan Barkaysan Alle ugu Baryaa inuu..”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in Alle ka rafciyo Balaayada, Colaadaha iyo Dibaatada Fatahaadaha Wabiyada Bisha Mowliidka ee lagu jiro darteed.

“Dhalshada Nabigeena CSW waxaan ugu Duceynaa Ummadda Soomaaliyeed in Alle ka dhigo umad Midnimo leh oo danteeda garata” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha dalladda isbaheysiga xisbiyada siyaasadda.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa Shacabka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo ka hor imaanaya dantooda, wuxuuna ku booriyay inaysan ogolaan wax kasta oo oo wax u dhimaya Sharafta dalkooda.

“Waxaan Alle ka baryaa in Bishaan alle soo afjaro tafaraaruqa iyo khilaafka ku dhex jira Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan ogolaan in Taako ka mid ah dalkooda loo gacan geliyo Cadowgooda.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku baaqay inuu mar walba u taagan yahay in Soomaaliya ay hesho Dowlad soo celisa kala dambaynta iyo in ruux kasta uu helo Cadaalad buuxda.

Dhanka kale Sheekh Shariif oo lahadlaayay Websetka Somaliweyn.Com, ayaa faray Masaajidada in loo duceeyo Ummada Soomaaliyeed in Alle dhibaatada ka saaro, islamarkaana ay hesho Dowlad soo celisa Nidaamka iyo kala dambaynta dalka, taas oo ilaalisa Sharafka Qaranimada Dalka.