KENYA WAXAY KU GUULEEYSATAY IN MASKAXDDA SOOMAALIDA LAGA XUKUMO NAIROBI:

Marka uu dagaal siyaasadeed ka dhex jiro laba dowladood inta badan waxaa la isticmaalaa wax diplomacy-ida loogu yeero Information war, ula jeedadana ay tahay in shacabka dowladaas lagu furo shaki iyo jah-wareer siyaasadeed si loo wiiqo siyaasada dowladaas dagaalka lagula jiro.

Kenya waxay dagaal siyaasadeed kula jirtaa dalka iyo dowladda Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya ku dhex jirtay dagaal sokeeye mudo 30 sano, Kenya waxay Soomaaliya ugu gacan sareeysaa dhankasta ha ugu horeeyso aqoonta, waxay kaloo leedahay hay’ado dowladeed oo dhisan.Nasiib daro tani waxay sameeysay in maskasdii dadka Soomaaliyeed maanta laga xukumo Nairobi oo misinformation ka imaanaayo Kenya ay inta badan dadka Soomaaliyeed ay soo xigtaan.

Shaqsiyan Waxaan aaminsanahay in dalka Soomaaliya uusan marnaba aan gor-gortan la gelin karin dhulkiisa iyo madaxbanaanidiisa, taas awgeed waxaan mar labaad ugu digayaa dadka Soomaaliyeed iyo wariyayaasha inay aad uga fogaadaan wararka ka imaanaayo Nairobi oo ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.

The information war is on, are we really?
Sheikhnor Abucar Qassim