Fariin Qaran!!! Qalinkii Yusuf Abdow

Asalaama caleykum
Walaalayaal jimce wanaagsan dhammaantiin meel kastood dunida ka joogtaan.Sidaad ka warqabtaan waxaa dhacay shir weyn oo uu madaxweynaha umadda soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu uga qeyb galay magaalada Nairobi. Shirkaas oo waxyaaba badan looga hadlay balse tan ugu weyn ee innaga na quseysa haddaan nahay umadda soomaaliyeed waa tan ku saabsan arrinta masiirka qaran ee ah muranka baddeenna.

Haddaba walaalayaal farriinteyda waxay ku jeeddaa guud ahaan umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto qaas ahaan dowladdeenna. Walaalkey iyo walaasheeyeey adduunkan waa adduun isku dhex yaacay oo ay dawladuhu is wada lug-goynayaan aadna ku tashan karin saaxiibkaada maanta berri. Dowladda kaliya ee fahantay adduunkan qasan kana faa’iideysatay lana loodi la’yahay waa dowladda aannu abaalka weyn u hayno ee Jamhuuriyadda Turkiga. Waa dowladda kaliya ee maanta difaacda islaamka dibad iyo gudaba.

Haddeynu soomaali nahay waxaynu leenahay caddow tiro badan oo ka faa’iideysanaaya maaha dhibka nasoo gaaray oo kaliya, ee xitaa kala qob-qobnaanteenna.

Qiyaanadu wax ku cusub maaha adduunka oo waa caadada ama dhaqamada qaasatan reer galbeedka oo hadda si bareera u dhacsanaya danahooda.

Tafatirro badan baan idinla wadaagi doona goor dhaw balse aan marka hore farriinteydan idinla wadaago. Farriinteydu waxay ku saabsan tahay maadaamma markasta oo ay waddamada deriska nala ah la kulmaan madaxweynaheenna uu yimaado shaki ah armay qayaano qaran jirtaa? Sida markuu mudane Abby Axmed Muqdisho kula kulmay dhiggiisa madaxweynaheenna Maxamed Cabdullaahi, wuxuu mudane Abby ula hadlay dadkiisa si furan(officiel) yirina in leysku daraayo labada waddan.

Arintaa oo noqotay mid runtii umadda soomaaliyeed ka nixisay oo argagax gelisay. Inkastoo ay dawladdeenna diidday iney sidaa ay tahay, haddana umaddu wey ka xumaatay oo shakibaa galay. Haddana waxaa wasiiradda arimaha dibadda ee dalka Kenya mudane Monica Juma ay waxyaabihii shirkii ugu dambeeyey ee Nairobi ka soo baxay oo ay la wadaagtay warbaahinta ku tilmaantay mid mira dhal ah oo ay waddankeeda muddo dheera ay geed gaaban iyo mid dheerba u koreen si’ay uga miro dhaliyaan in dacwada muranka badda ee ICJ International Court of Justice(Maxakamadda caddaaladda ee adduunka) taallay lagu dhammeeyo isafgarad.

Haddaba maadaama ay soo noqnoqotay arrintaan waa in madaxweynaheenna soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi la wadaagaa umadda soomaaliyeed arrintaan iyo arrimaha masiiriga ah ee umadda ka dhexeeya, si umadda aysan argagax ugu dhicin.

Waxaan rabaa oo kale inaan talo walaaltinimo gaarsiiyo la taliyayaasha madaxweynaha oo aan ogahay iney yihiin dad aqoon leh. Walaalayaal waddankeenna waa ka duwan yahay waddamada kale oo xeeladaha waddamada kale lagu hago(Theories of political science) oo keliya laguma hagi karo waddankeenna si toosa daruufo badan oo jira awgood. Umana maleeynaayo inuu jiro maanta waddan nala mida caalamka.

Walaalayaal waxaan ku jirnaa xaalad addag oo u baahan talo baahin. Waad aragtaan waxyaabaha ka dhacaya waddanka. Maahan in safarku galo madaxweynaheenna ay su’aalo badan keenaan ama dhib uun soo kordhiyaan.
Taladeyda waa FADLAN; FADLAN; FADLAN si loo badbaadiyo masiirka jiilalka naga dambeeya magacaaba guddiga ilaalinta masiirka umadda soomaaliyeed oo abuuri kara ALLAA wax abuuree rajo, kalsooni iyo qab soomaaliyeed.
Guddigaan oo la mida sida guddigii golaha dhaqaalaha qaranka kheyr ALLAAH haka siiyo ra’isulwasaaraheenna umadda soomaaliyeed mudane Xasan Cali Kheyre iyo intii la garab qabatay fekerkaa saliimka ahaa dhammaantood.
Guddigaan waxay howshoodu noqoneysaa la talinta arrimaha masiirka ah ee dibad iyo gudaba, hana ka teginna inaad guddiga ku dartaan culimada soomaaliyeed. Waan ka warqabnaa walaalayaal xaaladaha isdabajoogga ah ee xanuunka badan ee maanta ka dhacaya dhulkeenna hooyo sida in madaxweynayaasheennii hore ee qaranka ay sharaf xumo ka cabanayaan iyadoo qofkasta oo xikmadle garan karo dhibka loo geystay.

Cidda la rabo iney dhowrto sharaftoodana ay tahay dawladda soomaaliyeed oo ay shacbiga soomaaliyeed u wakiisheen. Annigu uma arko siyaasiyiin careysan ee waa madax mar labaad dooneysa iney qarankooda matalaan xaqna u leh taas. Arrinta walaalaheen mudane madaxweyne Axmed Islaam, mudane madaxweyne Muuse Biixi iyo mudane madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani.

Waxaan dawladda iyo la taliyeyaashaba kula talinayaa walaalayaal soomaali walooloow wax u dhaammo lama arkayo ee aannu is wehashanno walaalayaal siyaan u wadajirno. Soomaaliya ha nooaato!
Wabillaahi towfiiq!
Walaalkiin Yuusuf Cabdoow info@cecontext.se