Dowladda Soomaaliya oo amar duldhigtay hay’adaha ka howlgala dalka.

Wasaaradda Warfaafinta jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku hagayso hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya kana, shaqeeya arrimaha wacyi galinta, horumarinta warbaahinta iyo xiriirka.

Qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa waxaa Hay’adaha Shaqeeya Arimaha Wacyigalinta, Horumarinta Warbaahinta Iyo Xiriirka la faray inay u hoggaansamaan shurcuucda u degsan dalka Soomalaiya,isla markana ay ku Shaqeeyaan.