Al-Shabaab iyo Ciidammada Puntland oo ku dagaallamay degaanka Af-Urur.

Af urur waa meel istaraatiji ah oo 30 KM u jirta laamiga Boosaaso galaImage caption: Af urur waa meel istaraatiji ah oo 30 KM u jirta laamiga Boosaaso gala, Wasiirka amniga ee Puntland ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerrar ay dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Af-urur ee Puntland.

Cabdisamad Maxamed Galan ayaa waxa uu intaasi ku daray in ciidammadooda laga dilay 2 askari, laba kalana ay ka dhaawacmeen, hasayeeshee ay khasaare lixaad leh u gaysteen kuwii weerrarka soo qaaday.

Wasiir Cabdisamad Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in 3 kamid kooxdii soo weerartay la dilay isla markaasna laga saaray degaanka Af-urur.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xaaladda ay degan tahay isla markaasna ay la wareegeen saldhigga ciidammada ee aggaas.

Marar badan ayay aheyd markii dagaallamayeyaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ay ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af Urur, weeraradaas oo ay ku dhinteen tiro ciidammo ah oo ka tirsan maamulka Puntland.