PROF. LIIBAAN: “Al-Shabaab waa awood jirta, warbixinta Q/Midoobayna waxay ka hadleysaa 2019-ka wixii ka dhacay Soomaaliya”

 Warbixin shalay ka soo baxday guddi khubarro ah oo Qaramada Midoobay ka socda ayaa gilgishay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya kaddib markii ay daabaceen warbixin ka kooban 61-Bog oo looga hadlay wixii ka dhacay sanadkaan gabagabada ah ee 2019-ka.

Prof. Liibaan oo ka tirsan barayaasha jaamacadda Muqdisho ayaa VOA-da u sharxay warbixinta aadka u dheer ee guddigu hor dhigeen golaha ammaanka Qaramada Midoobay kuna saabsaneyd wixii ka dhacay dalka sanadkaan sii baxaya.

“Warbixinta guddiga waxay ka tarjumeysaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, inkastoo laga yaabo inay jiri karaan qodobo u baahan in loo helo caddeymo” ayuu yiri Prof. Liibaan oo sheegay in guddigaasi ay hayaan macluumaadyo ku saabsan warbixinta ay gudbiyeen.

Isagoo ka hadlayay eedaha loo jeediyay ururka Al-Shabaab ee warbixinta lagu xusay, ayaa waxa uu sheegay inaan la inkiri karin saameynta ururkaasi uu ku leeyahay Soomaaliya, isagoo muddo 10-sano ah cimrigiisu sii dhaafayo waxa uu dagaallo iyo weeraro kala duwan ku hayaa Dowladda iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika u diray Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa awood jirta, warbixinta Q/Midoobayna waxay ka hadleysaa 2019-ka wixii ka dhacay Soomaaliya” ayuu yiri aqoonyahankaan oo hoosta ka xariiqay in kooxdu sanadba sanadka ka dambeysa sii kordhineyso awoodeeda.

Dhinaca kale warbixinta guddiga Qaramada Midoobay ay ka diyaariyeen xaaladda Soomaaliya ilaa iyo iminka kama hadlin Dowladda federaalka iyo guud ahaan dhinacyada ay khuseyso, iyadoo inta badan ay dhacdo in laga hor yimaado warbixinta sanadlaha ah ee khubarada u gudbiyaan Qaramada Midoobay.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho – Soomaaliya
contact@somaliweyn.com