Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ee maanta la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.