Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dhaq dhaqaaqa ciidamada Itoobiya ka wadaan Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah 14-November-2019 gudoomiyay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley.

Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii uga danbeeyey ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo ee ku aadan duminta dhismaha haykalka maamul iyo ciidan ee halkaas kajira kaas oo ay Dowladda Soomaaliya halkaas ka wado ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan oo warbaahinta la hadley kadib kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Shacabka gobolka Gedo u adeegsanaayo Ciidamo Itoobiyaan.

Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya iyo Nabad suggida Soomaaliya ay falal ka baxsan Sharciga ka waddaan gobolka Gedo, islamarkaana ay nasiib daro weyn tahay in maanta Madaxweyne Farmaajo Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan.

Dhaka kale Axmad Madoobe wuxuu sheegay in cabasho ay u gudbin doonaan dowladda Itoobiya iyo beesha Caalamka oo ku aadan Burburinta gobolka Gedo ay ka waddo Soomaaliya.