Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo ka socota Garoowe.

Waxaa magaalada Garoowe ka socda doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Puntland,kadib markii dhawaan baarlamaanka Maamulkaasi ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulkaasi Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

Saddex musharax ayaa u taagan qabashada xilkaas,kuwaas oo midkiiba uu doonayo in uu qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,isla markaana xalay ay olole ballaaran ka sameeyeen Magaalada Garoowe, iyagoona maanta halkaasi khudbadooda ka horjeediyay.

Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha oo dhamaantood katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin,Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed .