QM oo sheegtay in wali Al-Shabaab ay yihiin awood muuqata oo weerari kara Xarumaha Dowlada iyo Kenya.

Muqdisho:-Warbixin ay diyaariyeen guddi qubaro QM ka tirsan ayay ku sheegeen in willi ay jirto awood muuqata oo ay Al-Shabab u leeyihiin inay weeraro kaga geystaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddigaan warbixintaan ay diyaariyeen oo ay gudbiyeen golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabab ay awood u leeyihiin weeraro ay ku qaadaan xarumaha dawlada Soomaaliya iyo xataa gudaha dalka Kenya.

“Farsamaynta walxa qarxa iyo qorshaynta shirqooladda ayay awood muuqata u leeyihiin” ayaa lagu yiri warbixintaan.

Weerarada ay geystaan diyaaradaha Maraykanka ee lagu bartilmaameysto hogaamiyaashooda inkastoo ay hoos u dhigtay awoodoodii muuqatay haddana waxaa muuqanaysa inay awood u leeyihiin fulinta weeraro qorshaysan.

Guddigaan waxay tusaale u soo qaateen dhawr weerar oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Warbixintaan oo lagu qoray bogga VOA-da waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalamayaal aan tiradoodu la sheegin ka gudbeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya kuwaasoo halis ku ah amniga gobolka.

Marka loo eego gudaha Soomaaliya inkastoo inta badan gobolada dalka ay ka taliso dawlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM haddana isku socodka wadooyinka waxaa toos u maamula Al-Shabab.

Xogta ay gudigaan qoreen waxay ku sheegeen in halista Al-Shabab ay xataa ka gudubtay Afrika oo waxaa la ogaaday in bishii December ee sanadkii hore dalka Talyaaniga lagu xiray 17 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo qorshaynayay weeraro ay ku qaadaan xarunta looga taliyo kaniisadaha masiixiga adduunka ee Fetikaanka la yiraahdo.

Dadkaas la xiray ee Soomaalida ah waxaa hogaaminayay Mooshin Ibraahin oo Anas Khaliil loo yaqaan waxaana uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab.

Qeybta dambe guddigaan waxay sheegeen in ururka ay dhaqaale ka helaan ganacsatada Soomaaliya ayagoo canshuuraha badeecadaha iyo xarumaha ganacsi ee Soomaaliya ku yaala gaar ahaan magaalada Muqdisho.