Ninkii seexdaa Sicii dibi dhalaa!!

Ma ahan wax nagu cusub maqalka Xikmaddaan, waa wax mar kastaa ku soo noqnoqdo dhegaha dadka.

Ma ogi in aan isku si u aragno iyo in kale, waxeyse aniga ila tahay mid laba mudacle ah ama laba afle ah. Waa uun fikir ama aragti ka timid Xoolo dhaqato ee maahan mid ka timid Beeraleey ama Kalluumeysato ama Geddisleey Beled, iyo muruqmaal kaleba.

Mar, waxaadba is leedahay, waxeey muujee Kalsooni xumo bulshada dhextaal, waxa kuu muuqaaya waa in ay tahay kan soo jeeda in uu dhaco kan hurda xoolihiisa iyo hantidiisa, oo waxeyba banneyhee in wax la dhaco oo waxeey la mid noqohee Dhaqankii Geelleyda ee ahaa Geela lama kala lahan, waxaa uun oow u xeroodaa Cawadaas cidda muruq iyo cuddud ciidan isku darsato, iayaguna oo uu ka soo wareego kolkii la helo cid kaloo ka itaal roon, waa uun tii la lahaa ”Xooggaagu hadduu madaal yahay,waxaad arkee mid xooggiisu Suus yahay”.

Mug kalena, waxaad is leedahay ooba kuu muuqahaayo in ay tilmaameyso in loo baahan yahay taxaddar iyo dhiifoonaan, kana digeyso is dhigasho. Waa ”Kheyr wax kaama dhibee shar u toog haay”!.

Aragtida muuqataa waa Tashaa’um, waa rajo xumo iyo col u toog-haay oo kalsooni ha ku ladin. Waxeey meesha ka riixee fikirka kale ee Tafaa’ulka ah ee rajo qabka iyo niyadda fiican, waxeeyna kol walbaa amree inuu maanku faalalo, wax kastaana falanqeeyo, kaas oo aan marnaba aqbaleyn fikirka ah ”Canyayuub u liq”ama ”Xalay dhalay”, fikirka waxuu xoojinaa ” Shangole xaa loo dilay”.
Widaaygeeyoow/Widaaydeeyeey, Bal raadi oo is qabadsii xalna ka keen labadaa is diiddo oo kaa hor muuqdo!!. Hadda midna ogoow (”Tashaa’umka iyo Tafaa’ulka” waa laba mataanaa oo kala jeedo).

Waxaa maanku i xasuusinaa Fikirkii Abwan Qaasim ee ahaa:
”Waxaan ahay Macaan iyo qaraar ,meel ku wada yaal,
Malaa’ikta jannana iyo naartu, weeygu murantaaye”.
Macaan iyo Qaraar wada socda, laba dariiq simman oo midba meel gaara ku socdo.
Waa Lillaahi iyo Laqdabo oo xoolo la isugu daray, Xaalka dhaqan adduunyaad ayaa saa u eg.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com