Maxaad ku qiimeyn laheyd si uu codkaaga u helo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre?

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo jagadaasi haya inta badan cimriga ay jirto xukuumadaan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa heysta iskoorka ra’iisal Wasaarayaashii horay dalka u soo maray, kuwaasi oo muddo markii ay shaqeeyaan xafiiska laga ceyrin jiray sida dhacday Dowladihii ugu dambeeyay ee ay kala hoggaaminayeen Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Iyadoo ay socdaan qorsheyaal la doonayo inay dalka ka dhacdo, laguna soo dhiso dowlad ku timaada rabitaanka dadweynaha ayaa waxaan door biday ujeedka qormadeydana ay daaran tahay qiimeyn aan ku sameynayo siyaasiyiinta iyo madaxda horay xilal u soo qabtay kuwooda mudan inay helaan kalsoonida shacabka.

Mudada uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaare Kheyre xukuumadiisa waxay wajahday mowjado uu ku dhowaaday inuu is casilo, kaddib markii isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax aan ka dhicin dalalka Afrika, kaasi oo ay ku geeriyoodeen tiradii ugu badneyd qaraxyadii horay uga dhici jiray Muqdisho.

Dhacdadaasi naxdinta leh ee la kowsatay xilli uu Ra’iisal Wasaaraha majaraha u hayo dowlad curdan ah, hase yeeshee waxay noqotay mid rikoorka dowladnimo wanaagga baal madow ka gashay isla markaana galaafatay nolosha ku dhowaad kun qof iyo burbur hanti oo lixaad leh, waxayna dadka dhaliila xukuumaddiisa ay ku soo hal qabsadaan in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre waxqabad badan lahayn.

Loolanka Xisbiyada iyo tartanka doorashooyinka

Kulanka 24-xisbi siyaasadeed oo Muqdisho ku shiraya

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa diiwaan geliyay in ka badan 50-xisbi siyaasadeed kuwaasi oo guluf xoogan ugu jira sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo da’doodu kala weyn tahay isla markaana doonaya inay doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020 ilaa 2021-da ka dhaceysa.

Wuxuu guddigu horay u sheegay inay dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah xaalad kasta oo dalka ka jirta, isla markaana sanduuqyada codadka ay dhigayaan goob kasta ee suuragal ah xilli ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida gacanta ku hayo qaar ka mid ah gobolada dalka, isla markaana dagaallo xoogan kula jira ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xisbiyadaasi waxaa ugu magac dheer uguna da’ yar Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Dowladda KMG ahayd isagoo haatan guddoomiye ka ah Madasha xisbiyada siyaasadda dalka.

Sharciga lagu maamulayo doorashooyinka oo haatan ay gacanta ku hayaan Baarlamaanka kaddib markii xisbiyadu ka biyo diideen qaar ka mid ah qodobada ku qoran ayaa ka mid ah caqabadaha hortaagan doorashooyinka, kaasi oo la filayo inuu ka soo dhammaado hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waa maxay caqabadaha hortaagan doorashada 2020-ka?

Xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya oo muddo 30-sano ah ku soo jirtay dagaallo iyo burbur dhinac walba leh balse ka soo kabsaneysa ayaa isbedelka dowladnimadeeda waxaa ku hareereysan caqabado, iyadoo haddii ay ku dhacdo sida la qorsheeyay caalamka u iftiimineysa inay ku baaseen imtixaan aad u weyn oo  meesha ka saaraya shakigii laga muujiyay inaysan dhici karin doorasho dadweyne.

Xisbiyada siyaasadda dalka iyo kooxaha mucaarada dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aan caadi aheyn, iyagoona kabaha la dul maray dowladnimada Soomaaliya iyagoona madaxda haatan heysa talada dalka ay dib u dhigeen rajadii laga qabay ee aheyd inay dalka horumar gaarsiiso.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka tirsan mudanayaasha Golaha baarlamaanka ayaa boorka ka jafay dhacdooyinkii uu dalka soo maray, isagoona ku goodiyay in haddii aanay joojin tallaabooyinka xukuumadaan waqtigu ka sii dhammaanayo dalka uu gelayo burbur hor leh.

“Weli bannaan yahay degaanka Ceelasha biyaha oo ay u qaxeen dadka Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiyadda siyaasadda dalka, xilligaas oo dalka soo maray laba Madaxweyne sida Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmedka maanta u tartamaya inuu noqdo musharax Madaxweyne.

Khudbaddaas ayaa ka nixisay dadka ku dhaqan Muqdisho oo bansiin ku sii shubtay cadowtooyadii ay u qabeen ciidamada Itoobiyaanka ah, wuxuuna Xildhibaanka hoosta ka xariiqay in dadka u qaxay ceelasha biyaha ay ka qeyb qaateen dagaalada looga horjeeday.

Mucjisooyinka siyaasadeed ee Ra’iisal Wasaare Kheyre?

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku jira da’da dhexe intii aan loo magacaabin xilka waxa uu howlo kala duwan soo qabtay kuwaasi oo aan wax siyaasad ah shaqo ku laheyn, isagoo mar ahaa madaxa hay’ad Norwey laga leeyahay, madaxa shirkadda SOMAOIL iyo kuwo kale.

Mucjisooyinka siyaasadeed ee uu la soo baxay waxaa ka mid ah inuu dalka ka ceyriyay wakiilkii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicolad Haysom oo u dhashay cadaanka South Afrika, kaasi oo lagu eedeeyay inuu farageliyay arrimaha siyaasadda dalka waxayna arrintaasi sababtay in lagu bedelo James Swan oo Mareykan ah.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in Ra’iisal Wasaare Kheyre karti u leeyahay hoggaaminta dalka, bacdamaa uu yahay shaqsi ugu  badnaan xilkiisa u gudanaya oo fulinaya danaha dalka iyo dadka, halka kuwa dhaliilsan fikradaasi ka soo horjeedaan.

Sidoo kale waxaa ka mid ah isbedello xoogan oo uu ku sameeyay xiriirka Dowladdiisa kala dhaxeeya Shanta maamul goboleed ee dalka ka jirta, isagoona qaab nabadeed ku hantiyay in dowladdiisu la yeelato xiriir wada shaqeyneed.

Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam ayaa khilaafkii ugu dhaxeeyaa dowladda Ra’iisal Wasaare Kheyre kaddib markii ay isku khilaafeen qaabka loo maareynayo doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxay dowladdu go’aan ku gaartay inaysan aqoonsaneyn doorashadii ku celiska aheyd ee Axmed Madoobe.

Dhinaca kale maamulka Puntland oo isagu ku guuleystay inay ka dhacdo doorasho aakhirkii Madaxweyne loogu doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo mar Wasiir ka soo noqday dowladdii Xasan Sheekh hoggaaminayay ayaa xiriirka maamulkiisu la leeyahay Dowladda dhexe si weyn uga duwan kan Jubaland, waxaana suuragal ah inuu dowladda kala shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Cimri ahaan marka la eego maamulka Puntland oo soo maray ilaa shan Madaxweyne waa midkii ugu faca weynaa maamullada haatan dalka ka jira, hase yeeshee aad uma fiicneyn xiriirka kala dhaxeeyay dowladda dhexe xilliyadii Xasan Sheekh iyo Farmaajo madaxweynayaalka ahaayeen.

Waxaa Qoray: Jabriil M. Nur (Jabra)
jabriil@journalist.com
Muqdisho – Soomaaliya