Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso

Boosaaso:-Warar aan helayno ayaa waxay sheegayaan in magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari uu ka dhacay dagaal culus.

Dagaal ayaa waxaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Puntaland iyo kuwo la sheegay inay u hubaysan yihiin qaab qabiil.

Waxaana uu si gaar ah uga dhacay dagaalka,bar koontarool oo ku taalla duleedka magaalada Boosaaso.

Khasaaro kala duwan ayaa la sheegay in uu dhaliyay dagaalkaasi, inkasta oo aan si dhab ah wali loo xaqiijin karin.

Waxaana hadda la soo werinayaa in weli gudaha magaalada Boosaaso laga dhex maqlayo dhawaqa rasaas goos-goos ah oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac ee dagaalamay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid, kadib muran uu ka dhashay maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.