Ciidamada xoogga ee ka hawlgala KGS oo dib u habyn lagu sameeyay.

Muqdisho:-Gen. Cabdi Xamiid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidamada lugta ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in taliska ciidamada ee ka hawlgala deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka lagu samayn doono dib u habayn baalaran.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in ciidamada qaybta 60-aad ay hormuud u noqon doonaan ,hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga deegaanno hoos yimaada KGS.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhawan howlgallo kala duwan laga bilaabi doono deegannada Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Tuulooyin fara badan oo hadda ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.