BAADIYOW: “Dhibaatada dalka ka jirta waxaa  ka mid ah in wax kasta si khaldan loo fasirto”

C/raxmaan Baadiyow oo ah guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ee dowladda Soomaaliya magacoday ayaa kabaha la dul maray dhibaatada dalka ka jirta inay ugu weyn tahay aqoon darrida, hase yeeshee waxa uu sheegay in sanadba sanadka ka dambeysa laga soo kabanayo.

Dr. Baadiyow ayaa isagoo khudbad ka jeediyay daraasad ay sameysay jaamacadda Muqdisho waxa uu faray bahda waxbarashada dalka inay kordhiyaan sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta jiilka maanta iyo kuwa soo koraya.

“Dhibaatada dalka ka jirta waxaa  ka mid ah in wax kasta si khaldan loo fasirto” ayuu yiri C/raxmaan Macallim Baadiyow oo ka mid ah maqaawiirta aqoonyahanada u soo joogay maraxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Farriinta culus ee C/rmaan Baadiyow u jeediyay bahda waxbarashada ayaa ku soo beegmeysa xilli maalintii shalay garoonka diyaaradaha lagu xayiray wafdi uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd.

“Shabaab iyo dowladda waxba isma dhaamaan” ayaa ka mid aheyd khudbadda Madaxweyne Shariif oo isagu maalintii shalay Saxaafadda la hadlayay, waxayna carada uu ka qaadatay darteed jeediyay khudbad dadka Muqdisho damqisay boogihii ka soo gaaray xilligii uu xilka hayay.