Qeyla dhaan laga soo saaray ganacsatada Soomaalida gobolka Waqooyi Bari Kenya

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ayaa qeyla dhaan xoogan ka soo saaray dhibaatooyin kala duwan oo ganacsatada ku hayaan, taasi oo sababtay inuu sabbeeyo sicirka maciishadda iyo adeegyada kale ee asaasiga u ah nolosha bani’aadamka.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ganacsatada ku hayaan Soomaalida waxaa ka mid ah in la kordhiyay qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha, ascaarta quutul daruuriga ah oo iyana ganacsatadu lacagaha ku kordhiyaan xilliyada ay isbedesho cimilada amaba ay da’aan roobabka.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Mandera C/raxiim Sheekh Cabdiqaasim oo u waramayay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyinka ay ganacsatada ku hayaan shacabka ku dhaqan gobolka W/bari Kenya.

“Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay u dhimriyaan shacabka, maadaama uusan jirin qiimo la isla ogyahay oo lagu bixinayo gaadiidka dadweynaha” ayuu yiri Guddoomiye C/raxiim oo ugu baaqay ganacsatada inay u turaan shacabka oo aanay saarin dhaqaale.

Isagoo ka hadlayay culeyska ganacsatada ku hayaan shacabka Mandera inay ka mid tahay iyagoo raashinkii bakhaarada qiimahooda kordhinaya, kaasi oo markoodii hore ugu fadhiyay qiimo ka jaban midka cusub.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa arrintaasi waxay ka muujiyeen qeyla dhaan aan caadi aheyn, iyagoona dowladda ka dalbaday inay arrintaasi wax ka qabato bacdamaa ganacsatada ay culeysyo dhaqaale ku keeneen.