Ma Ku saxan yihiin?

1- Dowladu maku saxantanay ? saddaxdii Madax ee Dalka ugu sareysay in ey isku mar Maanta Dalka uga wada maqan yihiin shirar, Safiirada halkaa joogo loo wakiilan Karo,iyada oo aan la fiirin Mustaqbalka iyo Lacagaha safarada Ku baxayo in Dadka u baahan lagu taakuleeyo waxa wadanka hadda Ka jiro, Colaado, fatahaad, khilaaf siyaasadeed, iyo Mustaqbalka Caruurta Caawa baahida Ku seexatay.

2- Mucaaradku ma Ku saxan yihiin? Ajandaheeyga kuu sheegi maayo ee aragtideeyda qaado, iyada oo aan laga fekerin Mustaqbalka maxaa Ku xigi karo

3- Beesha Caalamka iyo Shirkadaha shidaalku ma Ku saxan yihiin? Doorashadii Kismayo ayaa lagu celinayaa, Tii Baydhabana lagu celin maayo. Mustaqbalka Galmudugna la fiirin maayo.

4-shacabku maku saxan yahay? Sannadkii 1991dii ayaa loo noqonayaa. Maya, 1969kii ayaa loo noqonayaa aan Kala taageerno, midba Dadaa Dani ugu jirtaa ee yaan laga fekerin Mustaqbalka iyo Sannadka 2021.

5- Baraha Bulshada maku saxan yihiin? In Colaadda Ninka aamusanu Ku baaqayo lagu eedeeyo Ninkii Ka hadlo, iyada oo aan laga fekerin Mustaqbalka Baraha Bulshada colaada kadib.

Ar maxaa wadankaan ey yaaliin Su’aalo, la is moogeeysiinayo Ka jawaabidooda.( F.S: 1aad)

Anigu waa Ku wareeray ee Adigana? Ma Ku saxanahay qoraalka adiguna comment -ga?

Qore: Yahya Amir