Dowladda Soomaaliya oo shaqada ka joojisay labo ka mid ah Hey’adaha ka howl-gala dalka

Muqdisho:-Wasiiradda warfaafainta Soomaaliya ayaa hakisay shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hey’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hey’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hey’adood

Sababaha shaqada looga hakiyey labada hey’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Warqadaha ka soo baxay wasaaradda ee lagu hakiyay shaqadii labadaas hey’adood si faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee muujinayay inay jebiyaan xeerkii wasaaradda warfaafinta. Hey’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan arrimo la xiriira dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyin ay ka mid yihiin Nairobi dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Qoraalka Shaqada looga Joojiyay: