Wasiir Maareeye “Hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif wuxuu la yaab ku noqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed…”

Markii shalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed Digniin Culus uu u diray Madaxda dowladda ayaa waxaa arrintaas ka Jawaabtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif uu layaab ku noqday dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in hadalkii Sheekh Shariif uu jeediyay uu ahaa mid aan laga filan kari inuu ku hadlo qof dalkaan Madaxweyne ka soo noqday.

“Dowlada Somalia waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Somalia Mudane Shariif Shiikh Axmed oo ahaa hadal filan waa ku noqday shacabka Soomaaliyeed kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday” ayuu Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ugu baaqay inuu dhowro magaciisa iyo sharfkiisa, kana dheeraado waxkasto oo dhaawici kara muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay.

Gaba-gabadii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda, Madaxdii hore ee dalka iyo cid kasta oo dooneysa horumar inuu waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, badqabka amniga guud ee dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba hadalka Wasiir Maareeye ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Sheekh Shariif uu ku daartay in dowladda Muqdisho ay kasaari doonaan hadii aaney joojin sharciga ay ku tumaneyso.

PRESS-RELEASE