Wararkii ugu Dambeeyay Dad weli lagu la’ayahay Fatahaad Wabiga ee Magaalada B/weyne.

Duqa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Safiyo Sheikh Xasan Cali mar ay maanta la hadashay warbaahinta ayey sheegtay in dadkii 10-ka ruux ahaa ee ku dhintay doontii ku qalibmatay wabiga Shabeelle ee mara Beledweyne labo ka mid ah aan wali meydkooda la helin.

Guddoomiye Safiyo ayaa in ilaa hadda uu socdo baadi goobka meydadkaas, walina aan lagu guuleysan in la helo meydadka labadaas ruux oo ku maqan gudaha Wabiga Shabeelle.

Safiyo Sheikh ayaa sidoo kale sheegtay in magaalada Beledweyne ay ka dhacday musiibo qoys walba oo magaalada ku ku noolaa saameysay, walina dadku ay samata bixin iyo garab siin u baahanyihiin.

28-kii October ayaa masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay gobolka iyo dad shacab ah waxa ay doon kula qalibantay wabiga Shabeelle magaalada Beledweyne, xilli uu wabigu si daran biyo ugu fatahayay magaalada, waxaana halkaas lagu waayay ku dhawaad 10 ruux oo qaar kood kol dambe la helay maydadkooda, iyadoo ilaa hada aan la helin maydka labadaas ruux oo ay sheegtay guddoomiye Safiyo.