BBC dhaxdhaxaad kama aha hadalkii Sheesk Shariif iyo Wasiir Maareeye

BBC-da ayaa luuqad aan dhex-dhexaad ahayn ku qortay hadalkii shalay ee Madaxweyne Shariif iyo jawaabtii Wasiir Maareeye.

BBC-du waxa ay sadaradeeda, sida iney la qabto, ku tiri “Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo hadlay saacado uun kadib markii ay magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabteen Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay aad ula yaabtay HADALKII FILAN WAAGA ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed”.

Waxay ahayd iney dhahdo “Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo hadlay saacado uun kadib markii ay magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabteen Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay aad ula yaabtay WAXAY UGU YEERTAY HADALKII FILAN WAAGA ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed”.

Sidaas waxay BBC-da ugu fiican tahay si ay isaga fogeyso in ay iyaduba xitaa aaminsan tahay HADALKA FILAN WAAGA lagu tilmaamay, oo ay BBC-da iyo Maareeye isku ra’yi ka yihiin halkaas. Dhinaca kale, dad badan ayaa qaba inuusan hadalkaas FILAN WAA’ ahayn, marka loo fiiriyo waxa ay dowladdu ku dhigtay Madaxweynayaashii hore, iyadoo dadka qaar ay qabi karaan inuu Madaxweyne Shariif si dabacsan uga jawaabay wixii lagu dhigay isaga Madaxweyne Xasan.

Hase ahaatee, BBC-du waxay aad isaga fogeysa dhamaan wixii uu shirkiisa jaraa’id ku yiri Madaxweyne Shariif, iyadoo si dhameystiran u isticmaashay dhamaan ereyada iyo jumlooyinka loo adeegsado iska fogeynta hadal uu yiri qof kale.

Tusaale, “sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo shirka jaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa aad ugu dheeraaday WAX UU KU TILMAAMAY – ku takrifalka awoodeed ee dowladda – waxaana uu intaa raaciyay in uu dulqaadkii ka dhamaaday”.

Haddii, tusaale, ay BBC-du dhihi lahayd “sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo shirka jaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa aad ugu dheeraaday KU TAKRIFALKA AWOODEED ee dowladda, waxaana uu intaa raaciyay in uu dulqaadkii ka dhamaaday” waxay ahaan iney u janjeerto dhinac.

Laakiin, in ay dheheen “WAX UU KU TILMAAMAY ku takrifalka awoodeed ee dowladda”, oo laga rabay inuu ahaado baaragaraafka u dhignaa in BBC-da iyo Maareeye ay isku si u wada arkaan HADALKA FILAN WAAGA AH, ayaa keeni karta inuu wariyuhu si buuxda u ahaado dhex-dhexaad, tuhunna aysan gelin madax-banaanidiisa ama daacadnimadiisa iyo run sheegiddiisa.

Mahadsanidiin
Nuur Cali Faarax