Wasiir Maaliyadda “Soomaaliya dalalka daymaha ugu badan ku leh waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Ruushka..”

Muqdisho:-Dawlada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horaysay waxa ay shaacisay dalalka ugu badan ee Soomaaluya daymaha ku leh.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Maanta Shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya dalalka daymaha ugu badan ku leh uu ka mid yahay dalka Mareykanka, kaas oo gaareysa lacagta uu ku leeyahay 1 Bilyan oo Dollar.

Dalka Ruushka ayuu sheegay wasiir Beyle in uu ku leeyahay 700 oo Milyan iyo Talyaaniga oo Soomaaliya ku leh 600 Milyan iyo dalal kale.

Waxa uu sheegay wasiirku in dalalkaasi oo dhammi ay go’aan ku wada gaareen in ay ka cafiyaan Soomaaliya daymahaasi oo dhan ka dib wada hadal dhex maray

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxwayne kuxigeenka Bangiga Aduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota.

Ugu dambayn waxa uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in miisaaniyadda dalka ay kobcayso taasna ay sababtay in Ciidanka qalabka sida oo uu tilmaamay in ay markii hore ay qaadan jireen 130 doolar hadda loogu daro 70 doolar sidaasna ay kuqaataan lacag dhan 200 oo Dollar.