Safiirka UK iyo La taliyaha sare ee madaxweynaha Hirshabelle state Xasan Mudey oo kulmay.

Xasan Cabduqaadir Mudey oo kamida lataliyayaasha madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo kulan gaara ku dhax maray safaaradda UK ee Muqdisho isaga iyo Amb Ben Fander oo ah safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya ayaa kahadlay waxyaabaha ay kawada hadleen safiirka,waxa uuna soo dhigay bartiisa facbooka, waxa uuna uqornaa sidaan:-

“Waxaan kulan saacado qaadtay yeelannay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Mr Ben Fander, waxaan kawada hadalnay arrimo ay kamid tahay fatahaadda kadhacday qeeybo kamida deegaannada Hirshabelle state.

Waxaan aad uga wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhibaatooyinka soo noq noqday oo uu ugu horreeyo wabiga shabelle sanadkasta waxyeellada uu nagu yeesho iyo doorka ay dowladda UK ka qaadan lahayd.

Waxaan sidoo kale kasheekeysannay Amb Ben sidii gacan naloogu siin lahaa tababaridda iyo caawinta saxafiyiinteena, si ay u helaan kororsi xirfadaha ay ugu shaqeeyaan dadkooda iyo deegaannadooda.

Amb Ben waxaan uga mahadnaqayaa sida qiimaha badan uu iigu casuumay safaaradda uu isaga wakiilka uga yahay dowladda UK.

#Hirshabellenimadaa nagu wada filan !
Hassan Abdulkhader Mudey