DEG DEG: Madaxweynaha Hirshabeele oo sheegay in madaxwaynayaashi hore ay Baladweeyn ku aadeeyn safar qatar badan leh…

DEG DEG: Madaxweynaha Hirshabeele oo sheegay in madaxwaynayaashi hore ay Baladweeyn ku aadeeyn safar qatar badan oo dhibaato Leh maadaama aan i sheegnay in wadadda diyaarada ay Ku dagto roob Ku da’een xalay oo meeshaasi biyo buuxaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee ka degtay Beledweyne ay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada iyo shuruucda, waxaa uu sheegay inay la xisaabtami doonaan shirkadda leh.

Shir jaraa’id oo Muqdisho ku qabtay ayuu sheegay in aanay jirin wax is hor-taag ah oo ay ku sameeyeen safarka Madaxweynayaashii hore, balse ay jirtay in garoonka uu roob ka da’ay, isla markaana lagu soo wargeliyay in aanay diyaaradaha waa weyn ka degi karin, markii ay la wadaageen arrintaas oo uu wacay Madaxweyne Xasan Sheekh uu si kulul ula hadlay.

Waxaa uu intaa ku daray in diyaaradda ay sameysay xadgudub oo xitaa ay ka jawaabi weyday raadaarka, taasna ay walwal badan gelisay, duuliyaha uu sameeyay qalad weyn.

“Go’aanka diyaaradaha dhulka duuliyaha ma lahan waxa is la keh hey’adaha u xil saaran oo ka warami karo, shirkada leh diyaaradaas waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada waqtigeeda kala xaali doonaan waana la xisaabtami doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Waare

DEG DEG: Madaxweynaha Hirshabeele oo sheegay in madaxwaynayaashi hore ay Baladweeyn ku aadeeyn safar qatar badan oo qaswata.

Posted by Dal Walba dadkiisaa dhisa on Sunday, November 10, 2019