Sarkaal ka tirsanaa Ahlusunna iyo Ciidamo uu Watay oo isku Dhiibay Dowladda Federaalka

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyihii Cidanka Ahlusunna Waljameeca ee Degmada Guriceel iyo Ciidamo uu watay ay isku dhiibeen Ciidnanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdul Daahir Rooble Cadde oo ahaa Taliyihii Ahlusunna ayaa kulan saacado badan qaatay waxaa la yeeshay Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Gen Mascuud Maxamed Warsame, iyadoona wadahadal dheer kadib uu ku biiray dhanka dowladda.

Kulanka dhexmaray Taliyaha Guutada 15 aad ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga iyo Taliye Cabdul Daahir Rooble ayaa waxaa ku wehlinayay Maxamed Axmed Cantoobo Guddoomiyihii hore degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Intaasi kadib Taliyihii Ahlusunna ee Guriceel iyo Ciidamo uu watay ayaa xalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoo halkaas ay kusoo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hoggaanka sare ee Ahlusunna oo ay uga hadlayaan tallaabada uu qaaday Taliye Cabdul Daahir Rooble Cadde, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan Ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Degmada Guriceel oo in muddo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca.